Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koonfur Afrika oo Cambaaraysay Xogta la Faafiyey


Wasiirka Amniga ee dalka Koonfur Afrika ayaa maalinimadii arbacada ku dhawaaqay in baadhis lagu sameeyo xogo ballaadhan oo sir ah oo loo dusiyey warbaahinta toddobaadkan, isaga oo sheegay in xogtan baxday ay xagal daac ku noqonayso xidhiidhada diplomaasiyadeed iyo amniga qaranka.

Xogahan la dusiyey ayaa muujinaya in dalka Koonfur Afrika oo ah dal aan dhinacna raacsanayn isla markaana aan ku luglahayn xiisadaha caalamiga ah ee dunida ka socda, inay Washington ku khasabtay inay basaasaan dalka Iran oo dalkani la leeyahay xidhiidh diplomaasiyadeed iyo mid ganacsi.

Wasiirka Amniga ee dalka Koonfur Afrika David Mahlobo ayaa cambeeyey xogtan la dusiyey, isaga oo sheegay in macluumaad kasta oo sir ah oo aan la ogolayn inay cidi aragto inay hoos u dhigayso amniga qaranka ee dal kasta.

Wargeyska The Guardian eek a soo baxa dalka Britain iyo telefiishanka ku yaalla gacanka carabta ee Aljazeera ayaa sheegay inay heleen xog sir ah oo aad u badan oo dhex maray hay’adaha sirdoonka dunida iyo kuwa dalka Koonfur Afrika.

Xogahan sirta ah ee loo dusiyey warbaahinta ayaa kor u qaaday shakiga ah in dalka Koonfur Afkira uu awood u sii yeelanayo inuu xidhiidh diplomaasiyadeed oo wacan la yeesho wadamada reer Galbeedka iyo dalalka bariga.

Wasiirka Amniga ee dalka Koonfur Afrika ayaa isagu leh waxaanu samaynaynaa baadhis xooggan oo la xidhiidha arrinta dusinta xogta.

Midawga Afrika ayaa maanta sheegay inay ka warhayaan xogta la dusiyey ee hay’adaha sirdoonka dalka Koonfurka, taas oo arrimaha ku jira ay ka mid tahay xog la xidhiidha dil khaarajin ah oo sannadkii 2012 la doonayey in loo geysto Guddoomiyaha midawga Afrika.

Xogahan sirta ah oo ay baahiyeen telefiishanka Aljazeera iyo wargeyska The Guardian ayaa sheegaya in macluumaadka ay heleen uu sheegay in la isku dayey in magaalada Addis Ababa lagu dilo Dlamini-Zuma oo ahayd haweenaydii ugu horraysay ee madax u noqota ururka Midawga Afrika ka dib markii xilka la wareegtay.

Qoraal uu soo saaray ururka Midawga Afrika ayuu ku sheegay in ururka Midawga Afrika ay dadweynaha u xaqiijinayaan in Guddoomiyaha midawga Afrika ay nabad qabto, waxaana guddida midawga Afrika ay bogaadiyeen hay’adda sirdoonka iyo amniga ee midawga Afrika oo saldhigoodu yahay dalka Ethiopia dedaallada ay muujiyeen.


Xogahan dhinaca sirdoonka ee ay baahisay Aljazeera maalinimadii arbacada ayaa sheegaya in hay’adda sirdoonka iyo amniga qaranka ee midawga Afrika ay kor u qaadeen ilaalinta amniga Zuma ka dib markii ay heleen codsi la xidhiidha inay jiraan halis badan oo dhinaca amnigeeda ah, xogahan uu baahiyey telefiishanka Aljazeera ayaa sheegay in hay’adda sirdoonka ee dalka Koonfur Afrika ay heleen xogo muujinaya in cid fulinaysay dilka haweenaydan inay tageen Addis Ababa ka hor saddex maalmood markii loo dhaariyey xilka guddoomiyaha midawga Afrika, waxaana cidda dilkaas fulinaysay ay qorshaysteen inay dilkaas fuliyaan 12 maalmood ka dib, laakiin waxaa intaas u dheerayd inay xilligii ay doonaan ay fulin karaan hawlgalkooda.

ma jiro wax macluumaada oo muujinaya in weerar uu dhacay.

XS
SM
MD
LG