Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Somali Safiir u Magacaabay


Jen Psaki White House
Jen Psaki White House

Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa Katherine Dhanani u magcaabay safiirka cusub ee dalka Maraykanka u fadhiya Somalia, waxayna noqonaysaa safiirkii ugu horreeyey ee Maraykanku Somalia u magcaabo tan iyo 1991kii.

Warsaxaafadeedkan oo ay soo saartay Jen Psaki oo ah afhayeen Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa lagu yidhi

“Magcaabistan taariikhiga ahi waxay muujinaysaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Somalia iyo Maraykanka, waxayna noo ogolaanaysaa inaanu ka marag kacno horumarka ay samaynayaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo baxaya sannado badan oo ay halkaasi ka jireen colaado”

Warkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka ayaa sidoo kale lagu yidhi

“Soomaaliya waxaa hortaalla shaqo badan oo ay tahay inay dhamaystirto si ay uga baxdo xaaladda kala guurka isla markaana ugu hayaanto qaran ku naaloonaya barwaaqo, nabad iyo dimoqraadiyad, Dalka Maraykanka waxaa ka go’an inuu ku taageero isla markaana ku garab galo Soomaaliya safarkoodaas sida saaxiibo isu samra oo kale”

Haddii la ansixiyo safiirka cusub ee dalka Maraykanka u fadhiyi doona Soomaaliya, waxa Ambassador Katherine Dhanani ay horkici doontaa Hawlgalka Diplomaasiyadeed ee Maraykanka oo xilligan fadhigiisu yahay safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya,

XS
SM
MD
LG