Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Djibouti oo ka Hadlay Hanjabaada al-Shabab


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladdiisu ay kor u qaaday amniga soohdinta dalkiisu la wadaago Somaliland, kadib markii soo baxday hanjabaad al-Shabab ee ku baaqaysa in la weeraro suuqyada ganacsiga ee waddamada Galbeedka.

Madaxweyne Geelle ayaa hanjabaadda al-Shabab ku tilaamay mid aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in ururku uu joogo heer gaba-gabo ah, isla markaana aan loo baahnay inaan la buun-buunin oo la siiyo gar iyo sida ay iyagu doonayaan.

Madaxweyne Geelle ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA wuxuu ka hadlay safarkii uu ku tagay Somalia iyo wixii uu la kulmay.

Cabdicasiis Xuseen ayaa khadka taleefonka ee Djibouti ku wareystay madaxweyne Geelle.

Dhageyso wareysiga Madaxweynaha Djibouti
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:49 0:00

XS
SM
MD
LG