Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Maka ee ka Hortagga Argagixisada


Sida ay baahisay wakaaladda Wararka ee Reuters, culimada Islaamka iyo ururada aan dawliga ahayn ee hoostaga dallad fadhigeedu yahay dalka Sucuudiga oo lagu magcaabo Muslim World League, ayaa shir uga furmay magaalada Barakaysan ee Makka kaas oo lagaga hadlayo ka hortagga Argagixisada.

Kulankan Islaamiga ah ee Caalamiga ah eek u saabsan ka hortagga Argagixisada ayaa ku furmay madal uu guddoominayey Badhasaabka Mecca Khaled Al Faisal, isaga oo hoos fadhiyey boodh ay ku xardhan tahay “Islaamka iyo ololaha ka hortagga Argagixisada”.

Khaled al Faisal oo ku hadlayey magaca Boqorka Sucuudiga ayaa sheegay:

“Iyada oo ay tahay shaqadayada iyo masuuliyadda xukuumadda Sucuudiga arrimaha Wacyigelinta ee ku aaddan bulshadayada muslimka ah, ayaanu martigelinay shirkan, sidoo kale waxaa jira macluumaad si wada jir ah loo ururiyey kaas oo ka hadlaya arrimaha argagixisada, oo xumaynaya magaca Islaamka iyo muslimiinta dunida ku nool” ayuu yidhi.

In ka badan 700 oo khubaro ah aqoon badan u leh Islaamka iyo la dagaalanka argagixisada ayaa kulankan ka qaybqaadanaya, waxaana dadkaas ku jira aqoonyahanno, wakiillo caalami ah oo metelaya ururada Islaamka, Culimo waaweyn, iyo cilmi baadhayaal.

Imaamka weyn ee Masaajidka Al-Azhar eek u yaalla dalka Masar iyo Muftiga dalka Sucuudiga ayaa la filayaa inay kulankan ka qayb galaan.

Imaamka Masaajidka Xaramka Sheikh Cabdiraxmaan Al-sudaysi ayaa sheegay in kooxaha Daacish, Alnusra Front ama Alqaacida inaanay metelin Muslimiinta.

“ururadan Argagixiso kama qayb aha Islaamka, ISIS, Alnusra, Alqaacida ama ururada kale eek u dhaqmaya gacan ka hadalku waxay ka soo horjeedaan Islaamka, iyo jidka saxda ah ee ah dhexdhexaadnimada, wadahadalka, naxariista iyo dulqaadka” ayuu yidhi Shekh Sudaysi.

Kulankan ayaa socon doona muddo afar maalmood ah, waxaana dadka ka soo qayb gelayaa ay isku dayi doonaan inay qeexaan isla markaana fahmaan arrimaha salka u ah kooxaha xagjirka ah ee islaamiga ah, isla markaana ka doodaan siyaabaha loola dagaalami karo.

XS
SM
MD
LG