Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Johnson oo ka Hadlay Hanjabaada al-Shabab


Xogahaya amniga Jeh Johnson
Xogahaya amniga Jeh Johnson

Xoghayaha amniga Maraykanka, Jeh Johnson ayaa sheegay in Maraykanku uu si dhab ah u qaadanayo hanjabaad ka soo baxday al-Shabab oo ku baaqday in la weeraro suuqyada ku yaalla waddamada Galbeedka.​

Jeh Johnson ayaa hadalkan sheegay mar uu ka jawaabayay video muuqaal ah oo al-Shabab ay soo saartay, kaasoo ku baaqaya in weeraro lagu qaado suuqyo ku yaalla Galbeedka.

Johnson ayaa sheegay in hanjabaada argagixisada caalamku ay isu baddashay una xuubsiibatay kooxo mintidiin ah oo si fagaare ah dad madax bannaan ugu baaqa inay weeraro ka fuliyaan waddamada ay joogaan.

Ururka al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weeraro ka dhacay suuqa Westgate ee magaalada Nairobi bishii September 2013, kaasi oo ay ku dhinteen 67 qof.

Vidoe-ga muuqaalka ah ee al-Shabab ay soo saartay waxay ku baaqaysaa in la weeraro suuqyada waaweyn ee ku yaalla Maraykanka, Canada iyo Britain.

Suuqyada la magacaabay waxaa ku jira suuqa weyn ee the Mall of America, ee ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah gobol ay degan yihiin Soomaalida ugu badan Maraykanka.​

XS
SM
MD
LG