Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar iyo Libya oo Duqeeyay Bariga Libya.


Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi
Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi

Diyaaradaha dagaalka Masar iyo Libya ayaa aroortii hore ee saaka duqeeyay xarumo kooxda Islaamiyiin ah oo ku xiran Daacish ay ku leeyihiin magaalada Darna ee bariga Libya.

Duqeyntan ayaa lala eegtay xeryo miltari iyo meelo uu hub yaallo kooxda, waxayna timid saacaddo kadib markii koooxda Daacish ay barta internet-ka soo dhigeen muuqaal video ah oo caddeynaya qoor-goyn lagu sameeyay 21 qof oo ka tirsan masiixiyiinta Coptic oo u dhashay Masar, kuwaaso ka shaqeynayay gudaha Libya.​

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa wacad ku maray hadal uu xalay TV-ga ka jeediyay inuu jawaab ka bixin doono qoorgoynta lagu sameeyay dadka u dhashay Masar.

Sissi ayaa sidoo kale khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Fransiiska, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda ay leedahay in Golaha amniga QM ay qaadaan talaabooyin cusub oo lagu wajahayo khatarka ka imanaysa kooxda Daacish

Jaamacadda Al Azhar, ayaa canbaareysay qoor-goynta iyadoo sheegtay in diini aysan oggolaan doonin falalkan arxandarada ah.

XS
SM
MD
LG