Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Denmark: Ninkii Weerarka Qaaday oo la Dilay


Booliska Denmark ayaa sheegay inay dileen ninka ay rumansan yihiin inuu ka danbeeyay weerarro shalay ka dhacay magaalada Copenhagen.

Booliska ayaa ninkan ku toogtay xaafadda Norrebro ee magaalada Copehngagen.

Ninkan ayaa shalay weeraray makhaayad ay ka socotay dood looga hadlayay "Xoriyadda hadalka", wuxuuna halkaasi ku dilay hal qof, isagoo dhaawacay 3 booliska ka tirsan.

Weerarka labaad ayaa ninkan hubeysan wuxuu ku qaaday macbad ay leeyihiin Yuhuuda, waxaana halkaasi uu ku dilay hal qof, wuxuuna dhaawacay laba booliska ka tirsan.

Madaxa Sirdoonka Denmark ayaa sheegay la baadhayo sababa ninkan ku kalifay inuu weeraradan geystay, iyo in weerarkan xiriir la leeyaha weeraradii argagixiso ee bishii hore ka dhacay Paris.

XS
SM
MD
LG