Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weeraro Dad ku Dhintay oo ka Dhacay Denmark


Nin hubaysan ayaa weerar ku qaaday munaasabad hadalo laga jeedinayay oo lagu qabanayay magaalada Copenhagen Sabtidii shalay waxaanu halkaasi ku dilay hal qof. Sidoo kalena saddex ka tirsan sarakiisha Police ka ayuu dhaawac soo gaadhsiiyay.

Ra’iisal Wasaraha dalkaasi Denmark ayaa sharaxaad ka bixiyay in toogashadaasi ay ahayd weerar argagixiso iyo in kale. Dad goob joog ah waxay sheegeen in ninkaasi hubaysnaa oo dhawr xabadood riday ka dib na uu ku fuulay gaadhi madaw oo uu baxsaday. Waxaa la sheegay in Police-ku ay heleen gaadhigii balse ay wali raadinayaan qof kii la tuhunsanaa.

Saacado yar uun ka dib ayaa rasaas kale oo ka dhacaysay meel ka mid ah magaaldaasi Copenhagen ay galaafatay nolosha laba sarkaal oo Police-ka ka tirsan, qof kalena uu dhaawac ka soo gaadhay. Qofkii rasastaasi riday ayaa baxsaday isagoo ordaya.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada weeraradaasi .

XS
SM
MD
LG