Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka Dhacay Degmada Guriceel


dagaal
dagaal

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay dagaallo maanta ka dhacay degmada Guriceel ee Goblka Galguduud.

Maleeshiyada ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa weerar saaka aroortii ku qaaday degmada, waxayna degmada ka qabsadeen ciidankii maamulka gobolka ee degmadaasi haystay..

Mas’uul u hadlay cisbitaalka Istarlin ee degmada Guricele ayaa sheegay in cisbitaalka la soo gaadhsiiya maydka hal qof iyo in ka badan 30 qof oo dhaawac ah.

Ciidamada dowladda ayaa iyagu bishii December qabsaday degmada Guriceel kadib markii dagaal xooggan ay la galeen maleeshiyada ASWJ.

XS
SM
MD
LG