Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: Waxaan ku Taaganahay Dariiqa Burburinta ISIS


Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in isbaheysigga uu Mareykanku hor kacayo ay ku taaganyihiin jidkii ay ku wiiqi lahaayeen oo kama dambeystana ay ku burburin lahaayeen kooxda ISIS.

Ergayga gaarka ah ee madaxweyne Obama u qaabilsan arimaha isbaheysgan, Jeneralka ciidamada badda ee howl-gabka ah John Allen ayaa sheegay inuu filayo weerar weyn oo rogaal celis ah oo ay ciidamada Ciraaq ku qaadaan dhulka ay horey ISIS u qabsatay todobaadyada soo socda.

Mr. Kerry oo ka hadlay barnaamijka Meet the Press ee ka baxa telfishinka NBC Axaddii shalay ayaa sheegay in go’aanka la dagaalanka ISIS uu yahay mid Isbaheysiga uu Mareykanka horkacayo ay ka go’antahay si ka duwan sidii hore, tan iyo markii muuqaal Fidiyow oo la sii daayay todobaadkii tagay lagu muujiyay duuliyihii reer Jordan Mucaad al-Kaseasbeh, oo ay maleeshiyo ka tirsan ISIS ay nolosha ku gubayeen.

"Ka go’naanshaha dagaalka iyo cirib tirka daacish waxa ay ahaayeen mid ku sii dhex xoogeysanayay dunida carabta. Waxaa kaloo tusaale fiican ah in 22 boqolkiiba magaalooyinkii ay dadku ku badnaayeen laga saaray ISIS xitaa iyadoon lagu qaadin weerarka weyn ee aan qorsheyneyno.

Waxaan dilnay tiro ka mid ah hogaamiyeyaashooda iyo awoodoodii hogaaneed. Hadda uma wada xiriiri karaan si furan sidii hore, haddii ay sameeyaanna halis ayey ku jiraan ”

Kerry waxa uu sheegay in wax badan ay harsanyihiiin in la qabto, isla markaana qorshaha baabi’inta iyo wiiqidda ISIS uu qaadan karo waqti dheer.

Waxa uu yiri ciidamada Ciraaq hadda diyaar uma aha inay ISIS kaligood weerar sifeyn ah ku qaadaan, waxeyna noqoneysaa qalad istaraatiijiyadeed hadii ay dhaqaaqaan iyagoon diyaarsaneyn.

Dalalka xubnaha ka ah Isbaheysiga ISIS la dirirka , oo ay ku jiraan tababarayaal iyo la taliyeyaal ka socda Australia, New Zealand, Spain, Portugal, Belgium, Netherlands, Denmark, Germany, France iyo Italy, ayaa tababarro siinaya ciidamada Ciraaq afar sladhig militari oo ku yaala Ciraaq si loogu diyaariyo dagaalka rogal celinta ah.

Mareykanku waxa uu sheegay in marka ciidamada Ciraaq ay bilaabaan weerarka noocaasi ah ay hawada ka taageeri doonaan diyaaradaha isbaheysiga.

ISIS ayaa la aaminsanyahay inay leedahay ilaa iyo 50 kun oo dagaalyahan oo xooggan oo marba marka ka dabeysa sii kordhaya. Waxaa ka mid ah qiyaasttii 15,000 ilaa iyo 20,000 kun oo dagaalyanno shisheeye ah, oo 5,000 oo ka mid ah ay heystaan baasaboorada reer galbeedka.

XS
SM
MD
LG