Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuutiyiinta Yemen oo Awoodda La Wareegay


A mahout rides an elephant at Tad Sae Waterfall outside Luang Prabang, Laos.
A mahout rides an elephant at Tad Sae Waterfall outside Luang Prabang, Laos.

Falaagada Shiicada ee ku xoogan dalka Yemen ayaa soo gabagabeeyay la wareegstoodii awoodda dalkaasi Jimcihii shalay, iyagoo ku dhawaaqay inay kala direen baarlamankii dalkaasi iyo dhismaha gole cusub oo xukunka dalkaasi sii haya.

Maleeshiyada Xuutiyiin ayaa ku sheegay war qoraal ah oo laga sii dayay Telefishika dalkaasi, in golahan oo ka koobnaan dooona shan xubnood ay maareyn doonaan dalkaasi ay shiicadu ku badantahay muddo laba sanadood ah.

Kooxdu waxey intaasi ku dartay inay soo dhisi doonaan Gole Baarlaman Qaran oo ka koobma 551-xubnoon oo bedeli doona baarlamanka ay hadda kala direen – isla markaana baarlamanka cusub uu soo dooran doono Goalaha Hogaanka Dalkaasi .

Mareykanka ayaa ka soo horjeestay qorshaha xuutiyiinta, isagoo sheegay inuusan waafaqsaneyn xal heshiis lagu wada yahay oo lagu maareeyo mushkiladaha siyaasadeed ee Yemen.

Magaalada New Yorkna , afhayeen u hadalay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay aad uga walaacsantahay, wuxuu ugu yeeray – marnaanta awoodeed ee dalka Yemen ka jirta.

XS
SM
MD
LG