Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka: Maxkamad Soomaali la Saaray


Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Amniga Qaranka John Carlin, Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Degmada Galbeedka Texas Richard Durbin, Sarkaal ka tirsan hay’adda dembi baadhista maraykanka oo lagu magcaabo Charge Christopher iyo madaxa Waaxda Kormeerka xuduudaha Maraykanka ayaa ku dhawaaqay maanta in Cabdinaasir Maxamud Ibrahin lagu xukumay 15 sano oo xadhig ah.

Waxaana Cabdinaasir lagu eedeeyey inuu maleegayey shirqool uu taakulo ku siinayey ururka Alshabab, kaas oo dawladda Maraykanku u aqoonsan tahay urur Argagixiso, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuu macluumaad been ah siiyey laanta socdaalka Maraykanka.

Cabdinaasir Maxamuud Ibraahin da’diisu waa 43 jir wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeedaa Somalia, waxaana lagu xukumay laba kiis oo kala ah inuu bixiyey macluumaad khaldan ka dib markii uu soo dalka ku soo laabtay July 31, 2014, wuxuuna xilligaas qirtay dembigaas, sidoo kale Cabdinaasir wuxuu qirtay in bishii May 18, 2010 illaa 31 Jan 2014 inuu taageero u fidiyey ururka alshabaab gaar ahaan inuu fariimo u diray dhinaca internetka ah, iyo inuu lacag u diray qof ka tirsan ururka Alshabab.

Cabdinaasir waxaa la sheegay inuu taakuladaa u fidiyey ururka Alshabab isaga oo ka warhaya in ururka Alshabaab yahay urur dawladda Maraykanku u aqoonsan tahay urur Argagixiso.

Cabdinaasir ayaa sidoo kale lagu helay dembi ah inuu macluumaad aan sax ahayn siiyey laanta socdaalka, waxaana la sheegay in Cabdinaasir isaga oo og inuu been ka sheegay waraaqihiisa Jinsiyadda ama dhalashada dalkan Maraykanka isaga oo sidoo kalena been ka sheegay waraaqdiisii codsiga ee qaxootinimada isaga oo sheegay inuu ka tirsan yahay qabiil yar oo ku hoos nool mid ka mida beelaha dega koonfurta Somalia, hase ahaatee waxaa markii dambe caddaatay inaanu ka soo jeedin beel yar taas bedelkeeda uu ka tirsan yahay mid ka mida beelaha waaweyn.

Cabdinaasir wuxuu sidoo kale qirtay inuu ka beensheegay codsigiisa jinsiyadda, iyo sidoo kale inuu ka been sheegay waraqihiisii qaxootinimada, wuxuuse sheegay inaanu taakulo u fidinin ururka Alshabab.

Dembiyada lagu eedeeyey Cabdinaasir waxaa si wada jira u baadhay laanta dembi-baadhista Maraykanka ee FBI iyo waaxda kormeerka Xuduudaha iyaga oo gacan ka helay Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee San Antonio, waxaana xukunkan riday kaaliyayaasha Xeer-ilaaliyaha ee Degmada Galbeedka Texas Mark Roomberg iyo Christina Playton.

Dhinaca kalena, Xeer ilaaliyaha Gobolka Minnesota Andrew Luger ayaa maanta ku dhawaaqay in dembi lagu helay Xamse Ahmed oo 19 jir ah ka dib markii uu been u sheegay saraakiil ka tirsan FBI.

Axmed ayaa lagu maxkamadeeyey inuu macluumaad aan sax ahayn siiyey saraakiil baadhaysay falal argagixiso, eedaysanaha ayaa shalay ka soo muuqday maxkamad ku taalla St Paul oo ka tirsan Minnesota.

“Qof kasti waxa uu xaq u leeyahay inuu aamuso ama la tashado garyaqaan marka uu la hadlayo saraakiisha dembibaadhista ama dacwad oogayaasha” ayuu yidhi Xeer Ilaaliye Luger wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey “xafiiskani wuxuu sii wadayaa dadka beenta u sheega saraakiisha sharci-fulinta iyo kuwa hor istaaga marka la baadhayo falalka argagixiso”.

Axmed waxaa dacwaddiisa ku wehelinaya saddex kale oo saaxiibadii ah kuwaas oo gaadhi bas ah ay kaga wada safreen Minneapolis iyaga oo u safray Garoonka diyaaradaha New York.

Afartan qof ayaa sii ballansaday duulimaad ka kici lahaa New York bishii November 9 sannadkii 2014. Axmed iyo qof kale oo magaciisa loo soo gaabiyey M. F waxay iyagu qorsheeyeen inay raacaan isku diyaarad ka kacaysay New York oo u socotay Turkey.

Marka laga reebo Axmed, saddexda qof ee kale oo magacyadooda loo soo gaabiyey Z.A, M.F iyo H.M waa laga hortegey inay diyaaradaha raacaan, laakiin Axmed waxaa u suuro gashay inuu diyaaradda u baxo inkasta oo laga soo dejiyey diyaaradda ka hor intii aanay kicin.

XS
SM
MD
LG