Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DFS oo Xaqiijsay Dilka Sarkaalka al Shabab


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay hoggaamiye ka tirsan ururka Al-Shabab oo lala beegsaday duqayn ka dhacday magaalada Diinsor maalintii Sabtidii.

War saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Nabdsugidda ayaa lagu sheegay in ninkaasi lagu magacaabo Cabdinuur Mahdi oo sidoo kale loo yaqaan Yuusuf Dheeg.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in ninkaasi uu udub dhexaad ka ahaa Al-Shabab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pantagon-ka ayaa shalay sheegtay in diyaarad kuwa aan duuliyaha wadin ay gantaal la beegsatay ninkaasi, haddii uu dilkiisu dhaboobana ay dharbaaxo kale ku tahay ururka al-Shabab sida ay sheegtay dawladda Maraykanka.

XS
SM
MD
LG