Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya iyo Siyaasaddooda Cusub ee Qurbe-joogta


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay samaynta siyaasad cusub oo ku saabsan maamulida qurba joogta u dhalatay dalkiisa.

Sida dalal badan oo afrikaan ahba, qurba joogta reer Kenya ayaa aad u tiro badan waxaana lagu qiyaasaa inay qurbaha ku nool yihiin illaa saddex millyan oo dalkaas u dhashay. Sida dalal badan oo afrikaana ayaa qurba joogta Kenya ay lacago badan ku kabana dhaqaalaha dalkooda iyaga oo u soo marinaya xawaaladaha.

Sida laga soo xigtay bangiga dhexe ee dalka Kenya, waxaa lagu qiyaasaa lacagta qurbajoogta u soo dirto dalka Kenya inay gaadhayso illaa $1.3 billion oo dollar.

Xukuumadaha Afrikaanka ah ayaa marar kooban dedaal u gala inay toos cilaaqaad ula samaystaan qurbajoogtooda, laakiin Madaxweyne Kenyatta ayaa leh siyaasadda cusub ee ku aaddan qurba-joogta waxaa la dhaqangeliyey bishii January, isaga oo xusay in dadka reer Kenya ee ku nool wadamada Qurbuhu ay yihiin dad halbawle u ah horumarka Kenya.

Laakiin dadka Kenyanka ee ku nool qurbaha ayaa aragtiyo kala geddisan ka qaba siyaasaddan cusub sida Comfort Mwangi oo maamusha ururka isu tagga qurba-joogta reer Kenya oo ku nool gobolka Florida ee dalkan Maraykanka.

Waxay leedahay dad badan oo reer Kenya ah oo ku nool qurbaha ayay illawday xukuumadda Kenya, xattaa marka lagu daro safarkii dhawaan madaxweyne Kenyatta ku yimi dalkan Maraykanka.

Waxay tidhi Mwangi “Madaxweynuhu wuxuu nala hadlay annaga oo koox ah oo qurba jog ah, wuxuu noo sheegay shay ama laba shay. Laakiin marka laga hadlo safarkiisa wuxuu halkan u yimi arrimo cul-culus oo uu kala hadlayey dadka maraykanka ah ee facayaga ah, wuxuuna siiyey fursado kala geddisan, waxaanu u baahanahay in si isku mid ah naloola dhaqmo” ayay tidhi

Benson Kakui oo ku nool Dallas oo ka tirsan gobolka Texas ee dalkan Maraykanka ayaa ku raacay madaxweynaha siyaasaddan cusub, isaga oo sheegay inay u jihaynayso dhinicii saxda ahaa. Wuxuu soo dhoweeyey arrimaha sida gaarka ah u eegaya fursadaha maalgashiga, isaga oo leh dad badan oo u dhashay dalka Kenya waxaa caqabadi ka soo foodsaartaa inay dalkooda maalgashadaan.

Laakiin siyaasaddan cusubi waxay sidoo kale saamayn ku leedahay in xog sugan laga helo dadka u dhashay Kenya eek u nool qurbaha.

Isaga oo arrintaas sharxaya ayuu yidhi “Marka aad xog siinayso dawladda ma garanaysid waxa loo isticmaalayo macluumaadkaas, taasina waa cabsida jirta, waana mid ka mida arrimaha aan dadku isu diiwaangelin, waxayna dadku ku odhanayaan … oo dawladdii ayaa doonaysa inay aniga I soo daba gasho, way ogyihiin halkaan ku suganahay markaa maxay iga doonayaan?” ayuu yidhi.

laakiin haddii masuuliyiinta Kenya ay u arkaan qurba joogta inay yihiin oo keliya berked lacag ah oo dalka ku socota, way khaldan yihiin inay sidaas yidhaahdaan ayay tidhi yidhi Mwangi. Lacagta dalka loo diraa waxay ka dhigan tahay astaan kalgacal, laakiin waxay hadalkeeda sii raacisay inay sidoo kale astaan u tahay sida dawladdu ugu guuldaraysatay inay dadkeeda kaalmayso

“Waxaanu u dirnaa lacag dadka ku sugan dalka si ay cusbitaal u aadaan, si ay u guursadaa, si ay waxbarasho isaga bixiyaan iyo arimo la mid ah. Waxay dawladdu u haysataa intaanu isu nimi inaanu bixino illaa 119 billion oo lacagta Kenya ah, ma nihin sidaas, waxaanu buuxinaynaa dhulkii ay dawladdu ku guul daraysatay”

In la bartilmaameedsado dadka qurbajoogta ahi waa tallaabo wacan ayay sii raacisay Mwangi laakiin in dalka Kenya uu six ad dhaaf ah ugu tiirsanaado xawaaladuhu waa arrin khatarteeda leh.

XS
SM
MD
LG