Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama oo soo Gudbiyey Miisaaniyadiisa 2016ka


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa qorshihiisa miisaaniyada sanadka 2016ka oo dhan 4 trillion oo doolar u direy aqalka congresska si ay u ansixiyaan.

Madaxweyne Obama ayaa qirey in miisaaniyadu ay la kulmi doonto caqabad adag oo ka soo wajihi doonta mudanayasha xisbiga Jamhuuriga, balse waxa uu sheegey in ay jiraan go,aano asaasi ah oo u baahan in laga xusho hanaanka ugu wanaagsan ee uu dalku rabo.

Madaxweyne Obama ayaa sheegey in miisanaiyadiisa ay caawineyso dadka dabaqada dhexe si ay u helaan nolol wanaagsan.

Dhaqaalaha Mareykanka yaa koboc dhaqaale sameeyey sanadihii ugu danbeeyey.

XS
SM
MD
LG