Isku xirrada

War Deg-Deg ah

MW Xasan: Xukuumad Wadajir ah ayaa la Dhisayaa


Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xukuumadda uu soo dhisayo Ra'iisul-wasaaha Sharmaarke ay noqon doonto mid ay ay ku jiri doonaan qeybaha kale duwan iyo waliba xubno ka tirsan xildhibaannada diidan siyaasadda madaxweynaha ee iyagu qeybta ka kudlooyinka.

​Madaxweynuhu wuxuu yiri" Dhowaan shacabka waxay maqli doonaan war ay ku farxaan oo la xiriira dhismaha Golaha Wasiirada. Ra'iisul Wasaaruhu waxaa uu wadaa dadaal farabadan si hawshan ay u qabsoonto. Waxaana xusid mudan in la tixgeliyo nidaamka awood qeybsiga beelaha ee dowladdeena ku dhisan tahay, iyo weliba kutladaha siyaasadeed ee baarlamanka, lana muujiyo tanaasul, iyadoo danta dalka la eegayo"

Madaxeyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dhismaha xukuumadda cusub lagu saleynayo nidaamka ay beeluhu ku heshiiyeen ee 4.5, kaasoo u baahan in la tixgaliyo.

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in xukuumadda cusub ay ku jiri doonaan wajiyo hore iyo kuwa cusub-ba, isagoo sheegay in xukuumad kasta oo timaadana aan la waayi doonin cid mucaaradda ama eedaysa

Hadalkan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya, iyadoo xildhibaannada ka tirsan kutladaha siyaasaddu ay maanta Muqdisho ku shireen, kuna hanjabeen inaysan xukuumadda kalsooni siin doonin haddii lagu soo daro 4 wasiir oo madaxweynaha taageersan.

Xubnaha kutladaha ee shiray waxaa ka mid ah, Xildhibaan Cabdilaahi Jaamac Xuseen, wuxuuna VOA u sheegay in RW ay uga digayaan inuu xukuumaddiisa cusub ku soo daro wasiiraddii qeybta ka ahaa khilaafkii xukuumaddihi hore ragaadiyay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:12:43 0:00

XS
SM
MD
LG