Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo $13 Milyan ku Bixinaysa Wadada Ceerigaabo


Wadada Ceerigaabo
Wadada Ceerigaabo

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku hayaan lacag gaadhaysa illaa 13 Million oo dollar oo loogu talo galay dhismaha wadada isku xidhaysa Ceerigaabo iyo Burco.

Wasiirka oo ka mid ah wefti qaabilsan dhismaha waddooyinka isla markaana magaalada Ceerigaabo u jooga dhamaystirka wejiga hore ee dhismaha wadadaas oo ka koobnaa 30Kiiloo-Meter ayaa sheegay inay hayaan lacagta ku baxaysa illaa 160 Kiiloo-meter oo ka mida 280 Kiiloo-meter oo wadadani ka kooban tahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan daamur dhisi kara illaa 170 Kiiloometer oo wadadan kaas oo uu sheegay inuu haatan soo gaadhay dekedda Berbera qayb ka mid ahna ay xilligan geeyeen magaalada Ceerigaabo.

Wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco ayaa ka kooban illaa 280 Kiiloo Meter waana waddo raf ah oo aad u xun, bishii September ee sannadkii 2013 ayaa la bilaabay dhismaha wadadan iyo in dadweynaha la weydiiyo qaadhaan ay kaga qayb-gelayaan dhismaha wadadan.

Lacagtan ay xukuumaddu sheegtay inay gacanta ku hayaan ayaa qaybo badan oo ka mid ah ay ka timi dadweynaha Caadiga ah iyo ardayda oo bixiyey tabarucaad kala geddisan.

XS
SM
MD
LG