Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuutiyiinta oo Qabsaday Madaxtooyada Yemen


Dagaalyahanada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa galay Qasriga madaxtooyada ee Magaalada Sanca.

Wararka ka imaanaya magaalada Sanca ayaa sheegaya in maleyshiyada xuutigu ay galeen dhismaha madaxtooyada ka dib dagaal muddo kooban socday oo ay la galeen ilaalada madaxtooyada.

Saraakiil u hadashay ilaalada madaxtooyada oo uu ku dhex yaalo xafiiska ugu weyn ee madaxweynaha Yemen , Cabdurab Mansuur Haadi ayaa sheegay in dhismaha ay ku wareejiyeen dagaalyahanadda Xuutiyiinta, iska hor imaad kooban ka dib.

La wareegista Xuutiyiinta ee madaxtooyada ayaa ku soo beegmeysa xilli weli kooxdu ay afduub u haystaan agaasimihii xafiiska madaxweynaha, waxa kale oo ay la wareegeen dhamaanba qalabkii warbaahinta ee dawladda.

Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhintay dagaal magaalada sanca ka dhacay isniintii shalay.

XS
SM
MD
LG