Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS oo Madaxfurasho ka rabta Japan


Ra’iisal wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa ka codsaday Kooxda ISIS inay si dhakhso ah u sii daayaan laba lahayste oo u dhashay dalka Japan oo ka soo muuqday filim iyaga oo loogu hanjabayo in la dilayo haddii aan dawladda Japan bixin lacag madax furasho ah oo gaadhaysa illaa $200 oo million oo dollar.

Mr. Abe ayaa muujiyey dareen cadho leh maanta oo salaasa ah, ka dib saacado uun markii maleeshiyada ISIS ay baahiyeen muuqaalkan oo ay ka soo muuqdeen laba qof oo jilba-joog u fadhiya isla markaana xidhan dhar Liimi ah ama casaan xigeen ah oo uu dul taagan yahay nin xidhan dhar madaw isla markaana gacanta ku haysta mindi.

Maleeshiyada Islaamiga ah ee ISIS ayaa la haystayaashan u aqoonsatay inay kala yihiin Kenji Goto iyo Haruna Yakawa oo u dhashay dalka Japan, waxayna dhaleeceeyeen waxa ay ugu yeedheen siyaasadda nacasnimada ah ee dawladda Japan ay ku taageerayso hawlgallada milateri ee wadamada reer galbeedku ku qaadeen kooxda ISIS.

Ciidamada dalka Japan qayb kama aha isbahaysiga Maraykanku hoggaaminayo ee ka dhanka ah ISIS, hase ahaatee Ra’iisal Wasaare Abe ayaa ballanqaaday maalintii sabtida inay siinayaan deeq lacageed oo gaadhaysa illaa $200 oo Million oo dollar oo aan ahayn taakulo milateri wadamada ay saameeyeen dagaallada salka ku haya xagjirnimada sunniga ah.

XS
SM
MD
LG