Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqii Afgooye oo Qarax lagu Dilay


Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Duqii degmada Afgooye Cali Caddow Cali ayaa maanta ku dhintay qarax miino oo lala beegsaday baabuur uu watay oo marayay jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxan oo ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi waxaa sidoo kale ku dhintay laba ka tirsan ilaaladii duqa.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa VOA u xaqiijiyay dhimashada duqa.

Guddoomiye Siidii wuxuu kaloo sheegay in Cali Caddow intaanu noqon duqa degmada Afgooye, uu ahaa Madaxii xalinta khilaafaadyada dhulka ee degmada Afgooye.

Qaraxan waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo kale.

Ilaa hadda cidna ma sheegan mas'uuliyadda weerarkan.

XS
SM
MD
LG