Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Dishay Taliye Xisbullah ka Tirsan


Ururka Xisbullaha ayaa sheegay in shan ka tirsan ciidankooda oo uu ku jiro saraal sare lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo Israel ka fulisay meel u dhow buuraha Golan Heights.

Ciidamada Israel kamaysan hadlin weerarka, balse wararka ayaa sheegaya in diyaarad nooca helicopter-ka ah oo Israel ay leedahay ay laba gantaal ku riday Quneitra, oo u dhow xadka kala qeybiya dhinaca Syria ee buuraha Golan Heights iyo dhinaca Israel.

Webste-ka Israel ee Ynet ayaa ka soo xigtay militariga Israel oo sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday "Argagixiso doonayay inay weeraraan Israel"

Wararka laga helay dhinaca Lebanon waxay sheegayaan in weerarka Israel lagu beegsaday laba baabuur ay leeyihiin ururka Xisbullah.

Sarkaalka Xisbullah ka tirsan ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Mohammad Issa, wuxuna Xisbullah u qaabilsanaa howlgalada Ciraaq iyo Syria.

XS
SM
MD
LG