Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Belgium: Waxaan Dilnay Labo Argagixiso


Booliiska dalka Belgium ayaa horjoogsaday waxa uu ugu yeeray, weerar argagixiso oo dalkaas ka dhici lahaa. Ciidanka ayaa sheegay inay dileen labo eedaysane oo aad u hubeysnaa, mid kalena xabsiga ay u taxaabeen.

Booliiska ayaa Khamiistii shalay weeraray unug argagixiso oo ku sugnaa magaalada Verviers ee bariga dalkaas. Magaaladan ayaa u dhow xadka dalka Jarmalka.

Dadkii laga shakiyey ayaa xabado furay markii booliisku u soo dhawaaday. Xabadaha ayaa socday daqiiqado dhowr ah, iyada oo qiiq uu buuxiyey hawada, dhawaaqa qalabka gurmadka degdegga ahna la maqlayey. Booliiska ayaan wax dhaawac ahi soo gaarin.

Booliiska ayaa intaas ka dib goobo kale baaris ku sameeyey, meelahaas oo magaalada caasimadda ah ee Brussels-na ay ka mid tahay.

Dacwad oogayaasha dalkaas ayaa sheegay in kooxdii la tuhmay ay qarka u saarneyd weerar argagixiso oo weyn oo dalkaas ka dhaca, kaas oo lala damacsanaa saldhig booliis.

Maamulka ayaa rumeysan in qaar ka mid ah kooxda weerarka lagu qaaday ay ka soo noqdeen dalka Suuriya.

XS
SM
MD
LG