Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Paris: Ciidanka Milateriga oo Amniga Ilaalinaya


Faransiiska ayaa dhigaya illaa 10,000 oo ciidan hubaysan ah gudaha magaalooyinka si kor loogu qaado amniga goobihii ay ka dhaceen weeraradii Paris ee toddobaadkii hore.

Wasiirka Gaashaandhiga Faransiiska Jean Yven Le Drian ayaa u sheegay weriyayaasha maanta oo isniina in ciidamadan la geyn doono goobaha loo asteeyey habeenimada salaasada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in kala badh ciidamadani ay ilaalin doonaan dugsiyada ay leeyihiin dadka Yuhuudda ahi ee deggan dalka Faransiiska.

Masuuliyiintan ayaa hadalkan sheegay ka dib markii ay ka soo baxeen kulan ay lahaayeen golaha wasiirada ee dalka Faransiiska oo uu guddoominayey Madaxweyne Francois Hollande kaas oo lagaga hadlayey arrimaha amniga.

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka John Kerry ayaa ku dhawaaqay inuu u safri doono dalka Faransiiska maalmaha Khamiista iyo Jimcaha si uu uga qayb galo kulan looga hadlayo la dagaalanka rabshadaha salka ku haya xagjirnimada.

John Kerry ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonka Maraykanka iyo kuwa dembibaadhista sida FBI inay la shaqaynayaan dembi-baadhayaasha reer France.

XS
SM
MD
LG