Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbax Baroor Diiq ah oo ka Dhacay Paris


Madaxda 40 waddan iyo in kabadan hal malyuun oo qof ayaa Paris ka sameeyay socod baroor diiq ah oo lagu muujinayo midnimo iyo damqasho ku aadan weerarkii ay dadku dhinteen ee ka dhacay Paris.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa horkacayay socodka madaxda caalamka oo ay ka mid ahaayeen RW Britain, RW Israel, RW Turkey, Madaxweynaaasha Falastin, Urdun iyo madax kale oo caalamka ka socday.

Dalkan Mareykanka waxaa u matalayay xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Eric Holder.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa Hindiya ka sheegay in fal argagixiso ah aanu baajin karin socodkan oo uu ugu yeeray “mid xornimo’

Mr. Kerry ayaa sheegay in Mareykanka uu garab taaganyahay dadka Faransiiska si wada jir ah uga hortagaan argagixisada.

In ka badan 700 oo kun oo qof ayaa socod aamusnaan ah ku soo maray shalay wadooyinka magaalooyin badan oo Faransiiska ku yaala si ey taageero ugu muujiyaan 17kii qof ee ku dhintay gacan ka hadalkii argagixiso ee ugu ba’anaa ee dalkaasi ka dhaca ku dhawaad nus qarni.

Ra’isul Wasaaraha Faransiiska Manuel Valls, oo la hadlayay dad baroor diiqayay Sabtidii shalay, meel ku dhow, goobtii laga dukaameysanayay ee kosher supermarket, halkaas oo nin hubeysnaa uu ku toogtay afar qof oo uu heystay, ayaa yiri “shaki kama qabo in malaayiin muwaadiniinta Faransiiska ay isu soo bixi doonaan si ey u muujiyaan jaceylka ay u qabaan xuriyadda “isagoo intaasi ku daray in dalka Faransiiska oo aan laheyn mujtamac yahuud ah uu ka dhiganyahay Faransiis la’aan, taasoo uu ku laab qaboojinayay mujtamaca Yahuudda ee Faransiiska oo xarunta la weeraray la’haa.

Amaanka dalka Faransiiska ayaa la filayaa inuu ku jiro heegan buuxa muddo todobaadyo ah, waxeyna ciidamada amaanku sii wadaan ugaarsi ay ku daba joogaan gabar ay saaxibbo ahaayeen mid ka mid ah sadexdii damley ee ay boolisku dileen Jimcihii.

XS
SM
MD
LG