Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masuul sare oo CIA ka Tirsanaa oo Dacwad loo haysto


Xogo laga helay dawladda Maraykanka ayaa muujinaya in dembi-baadhayaal iyo dacwad oogayaal, ay soo jeediyeen in dembi khiyaano qaran ah lagu soo oogo Madixii hore ee laanta Sirdoonka Maraykanka ee CIA David Petraeus iyada oo loo haysto inuu faafiyey xog muhiim ahayd oo aan loogu talo gelin inay cid kale ogaato isaga oo la wadaagay Saaxiibadiisii hore.

Soo jeedinta ka imanaysa saraakiishan ayaa markii ugu horraysay ku soo baxday Jariiradda New York Times, waxaana arrintani imanaysaa iyada uu masuulkani xafiiska ka sii maqayn yahay illaa laba sano.

Sarkaalkan madaxda ka soo noqday CIA ayaa ahaa Janan afar Xidigle ah oo ka fadhiistay shaqada ciidamada maraykanka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee dalkan Maraykanka Eric Holder ayaa go’aan ka gaadhi doona in dacwad lagu soo oogo sarkaalka iyo inkale.

Waxaa baadhitaan ku socdaa in la hubiyo in Madaxii hore ee CIA Petraeus uu macluumaad siiyey qoraa iyo saxiibadiisii hore ee Paula Broadwell, iyo inuu fursad u siiyey inay helaan ama gaadhaan macluumaad qarsoon oo ay lahayd CIA, kaas oo ay ku jiraan inay isticmaalaan cinwaannadiisa shaqada mudadii labada sano ahayd ee uu xafiiskan maamulayey.

XS
SM
MD
LG