Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Wasiirada IGAD oo Muqadihso ka Dhacay


Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shirkii 53aad ee Wasiirrada Arrimaha Dibedda dalalka IGAD oo sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ahaa mid taariikhi ah waxaa diiradda lagu saaray arimaha Somalia gaar ahaan Amaanka, Siyaasadda, iyo Higsiga cusub ee 2016ka.

Waxaa shirkaasi isugu yimid wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Ethiopia, Tedros Adhanan, Kenya Amina Mohamed, Sudanta Koonfureed Dr. Barnaba Benjamin, wasiiru dowlaha Arimaha Dibadda ee Uganda Asuman Kiyingi, Sii hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Djibouti Mahamud Ali Yusuf.

Dhageyso Warbixinta Shirka Wasiirada IGAD ee Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:13 0:00

Dalka Sudan waxaa shirka u matalayay sarkaal sare oo dowladda ka socday.

Shirka oo uu furay madaxweynaha Somalia xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa khudbado kale ka jeediyay, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Tedros Adhanom iyo Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Nicholos Kay.

Wafdiga ayaa intii ay joogeen Muqdisho waxa ay socod ku mareen qeybo ka mid ah Muqdisho, halkaasi oo la adkeeyay amniga,

Raisul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo soo xiray shirka ayaa sheegay in shirkani fursad muhiim ah u ahaa Soomaaliya oo markale dib usoo ceshatay sida uu yiri sumacadii ay ku dhex lahayd bulshada caalamka gaar ahaan dalalka IGAD.

Wafdiga Igad ayaa si nabadgelyaha ah uga dhoofay Garoonka Magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG