Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar ka Dhacay Xuduuda Sucuudiga iyo Ciraaq


Saraakiisha dalka Sucuudiga ayaa sheegay in labo qof ku dhinteen saddex kalana ay ku dhaawacmeen kaddib markii qofka naftiisa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay xuduudka ay wadagaan waddamada Sucuudiga iyo Iraaq.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in weerarku uu ka billowday deegaanka Arar kadib markii qofka ismiidaamiyay iyo qof kale oo la socday ay rasaas ku fureen ciidankii ku sugnaa xuduudka,ciidankuna ay rasaas ku jawaabeen kuwaasoo dilay mid ka mid ah ragga weerarka soo qaadan ka hor inta uusan is qarxin qofka isa soo miidaamayay.

Ma jirto cid illaa iyo hadda sheegtay mas’uuliyada weerarka.

Sucuudiga ayaa qeyb ka ah waddamada la bahoobay xulufada Mareykanka ee weerarka cirka iyo dhulka ku wada ururka Daacish ee ka dagaallamaya wadamada Syria iyo Ciraaq.

XS
SM
MD
LG