Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadeynta Weriyayaal oo Dib loo Dhigay


Weriyayaasha Muqdisho
Weriyayaasha Muqdisho
Maxkamadeynta afar weriye oo maanta lagu waday inay Muqdisho ka bilaabato ayaa dib loo dhigay kaddib markii ay maxkamadda soo xaadiri waayeen qareennadii u doodayay weriyayaashan.
Afartan oo weriye oo u shaqeynayay Radio Shabeelle iyo sky FM, waxaana laba ka mid ah ay xirnaayeen muddo 5 bilood ah, halka labada kalena damiin lagu sii daayay. Weriyayaashan ayaa dowladda Soomaaliya ay ku eedeeysay inay baahiyeen warar been abuur ah.
Garsooraha Maxkamadda gobolka Benaadir ayaa ku dhawaaqay in maxkamadeynta 4-tan weriye dib loo dhigay muddo aa la cayimin.
Lama oga sababta keentay in qareennada weriyayaashu aanay soo xaadirin maxkamadeynta, balse saraakiisha idaacadda Shabeelle ayaa warbaahinta u sheegay inay raadin doonaan qareenno cusub.
Ururada warbaahinta u dooda ayaa dowladda Somalia ugu baaqay in weriyayaashan la sii daayo.
XS
SM
MD
LG