Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay Muqdisho


Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Shan qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo galabta ka dhacay agagaarka Afisyooni ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Aminiga ee dowladda Somalia Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa VOA u sheegay in baabuurka qarxay ay kudaba jireen ciidamada amniga, balse uu ku dhacay gaari ay dad rayid ah saaraayeen ka hor inta uusan qarxin.

Afhayeenku wuxuu sheegay in afarta qof oo rayid ah ay dhinteen, dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka kale ayaa sheegaya in baabuurka qarxay u bartilmaameedsaday baabur ama kolonyo ay wateen ciidamada amniga ee dowladda oo halkaasi marayay.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkasi ka danbeeyeen.

XS
SM
MD
LG