Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garoonka Jomo Kenyatta oo la Xiray


Garoonka dayuuradaha ee ugu weyn caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa xiran maanta oo Axad ah, ka dib markii dayuurad yar oo kuwa gudaha Kenya ka shaqeya ah ay ku dhacday garoonka xilli ay soo caga dhiganeysay.

Masuuliyiinta Garoonka ayaa sheegay in dayuurad nooceedu ahaa Fokker 50 oo ka duushay Magaalada Wajir waqooyiga bari Kenya oo ay laheyd shirikadda Skyward ay cilad ka qabsatay tayarada taana ay sababtay in markii ay soo degeysay caloosha dhigato Garoonka Jomo Kenyatta International Airport, iyadoo xanibtay halka wado ee ay dayuuradaha ka soo caga dhigtaan garoonka.

Cidina waxba kuma noqon shilkaasi, hase yeshee dhamaan duulimaadyadii caalamiga iyo kuwii gudaha ee ku socday garoonka ayaa loo weeciyay magaalada xeebta ku taala ee Mombasa.

Garoonka ayaa waxaa ka socda howlo lagu nadiifinayo burburka dayuurada ee xanibay dariiqa caga dhigashada ee diyaaradaha.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in marka la nadiifiyo garoonka ay sii socon doonaan duulimaadyada sidii caadiga aheyd.

Jomo Kenyatta International Airport ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan ee isku xira duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwo gobolka bariga Africa.

Waa markii ugu horeysay oo howlaha garoonka ay istaagaan, tan iyo markii garoonkaasi uu dab ka kacay bishii August ee sanadkii 2013kii

Dabkaasi oo markii hore looga shakiyay ayaa baaris la sameeyay oo ay FIDa Mareykankuna qeyb ka aheyd lagu xaqiijiyay inuu ka dhashay ciliad dhinaca korontada ah.

XS
SM
MD
LG