Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Beenisay in Ebola Laga helay Somalia


Dowladda Somalia ayaa beenisay war ay baahisay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho oo sheegayay in qof ku nool Tuulada Buula-sharey ee gobolka Shabeelaha hoose laga helay cudurka Ebola.

Sii haya Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federalka ee Somalia, Ali Mohamed Mohamud, oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Somalia uusan ka jirin cudurkaasi Ebola, isagoo ku tilmaamay warkan ku tiri ku teen aan sal laheyn oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta.

Wasiirku waxuu sheegay in isla markii uu warkan soo baxay ay qaadeen talaabo deg deg si ey u karantiilaan qofka la tuhmay, hase yeeshee markii ay keeneen Muqdisho oo ay baaris ku sameeyeen ay dhabowday in qofkaasi aanu qabin xanuunka Ebola.

Ninkan oo lagu magacaabo , Abdulkadir Jinow Barow, ayaa ku wehliyay wasiirka shirka Jaraa’id.

Isagoo la hadlayay wariyeyaasha ayuu sheegay inuu dhawaan u safray dalka to Guinea, halkaas oo uu ganacsi ku heysto, isla markaana uu ku soo noqday Somalia 26kii bishii December ee ina dhaaftay.

Wuxuu sheegay in meelo badan oo uu soo maray lagu sameeyay baaris caafimaad oo la xiriirtay ka hor tagista fidista cudurka Ebola, hase yeeshee aan waxba laga helin.

Sii haya Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federalka ee Somalia, Ali Mohamed Mohamud, ayaa intaasi ku daray in wasaaradda caafimaadka, ciidamada Booliska iyo wasaaradda cadaalada oo iskaashanaya ay baaryaan cidii ka dambeeysay fidinta warkan been abuurka ah, sharcigana la horkeeni doono.

Dhinaca kale, Ciidamo ka tirsan Nabad-Sugida dowlada Somalia ay xabsiga u taxaabeen agaasimihii, Tafaftirihii iyo mid kamid ah Shaqaalaha Idaacada Risaaala oo kamid ah idaacadaha FM ah ee ka howgala Magaalada Muqdisho.

Shaqaalaha idaacada ayaa sheegay in loo heysto warar la xariira qof laga shaki qabo inuu qabo cudurka Ebola oo gobolka shabeelaha hoose ay idaacadu ka wareystey.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyado howlgalka Qaramada Midoobay ee la dagaalanka cudurka Ebola uu sheegay in fidistii ba’aneyd ee uu cudurka fidiyay laga yaabo in la soo afjaro sanadkan.

XS
SM
MD
LG