Isku xirrada

War Deg-Deg ah

9 ku Dhimatay Weerarkii Alshabab ee AMISOM


Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia ayaa sheegay in 9 qof ay dhinteen ka dib markii ururka Alshabab uu weeraray saldhigga ciidankan oo dhinaca ku haya Gegida dayuuradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay in dagaalyahano ka tirsan Alshabab oo qaarkood ay ku labisnaayeen dharka ciidanka Somalia, ay dhismaha soo galeen duhurnimadii Khamiistii shalay. AMISOM ayaa sheegtay in raggani ay isku dayeen inay galaan, waxa uu hawlgalku. ugu yeertay meelo muhiim ah.

AMISOM ayaa sheegtay in 5 weerar soo qaaday iyo 3 ka tirsan ciidanka AMISO, iyo hal qof oo shicib ah ay ku dhinteen dagaal goobta ka dhacay. Warku waxa uu intaas ku daray in 3 ka mid ah xubnihii Alshabab ee weerarka soo qaaday la qabtay.

XS
SM
MD
LG