Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia iyo Somaliland oo Heshiis Gaaray


madaxweyne Xasan - madaxweyne Siilaanyo
madaxweyne Xasan - madaxweyne Siilaanyo

Shir Djibouti uga socday wafuud ay kala hoggaaminayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa lagu gaaray heshiis.

Shirkan oo uu fududeeyay madaxweynaha Djibouti ayaa labada dhinac waxa ka soo saareen war-saxaafadeed ka kooban 6 qodob.

Qodobada ku jira war-saxaafadeedka waxaa ka mdi ah, in la dar-dargaliyo wadahadallada labada dhinac wakhtina lagu jaangooyo, inaan la siyaasadeyn deeqaha aadanimo, in la fuliyo heshiiskii arrimaha hawada ee labada dhinac ay horey u gaareen, in la iska ilaaliyo arrimo carqaladeyn kara wadahadallada, in wafuud labada dhinac ka socota ay mar kale ku kulmaan magaalada Istanbul ee dalka Turkey 26-27 bisha Febraayo.

​Goor dhow ayaan idiin soo gudbinaynaa faah-faahin la xiriirta heshiiska.

XS
SM
MD
LG