Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan: 141 ku Dhintay Weeerar Iskuul


141 qof oo u badan caruur ayaa ku dhintay kaddib markii ururka dabley ka tirsan ururka Taliban Pakistan ay weerareen iskuul uu militarigu maamullo oo ku yaalla magaalada Pishawar, 122 qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.

Dableyda oo ka koobnayd lix ayaa xirnayd dharka militariga, waxayna gudaha u galeen iskuulkaasi iyagoo si naxariis darro ah rasaas ugu furay dhammaan ardaydiii iskuulka dhiganaysay.

RW Pakistan ayaa weerakaasi ku tilmaamay "Ma siibo Qaran".

Booliska ayaa sheegay inay weerarkaasi soo afjareen oo ay dileen dhamaan dableydii weerarkaasi ka danbeysay.

XS
SM
MD
LG