Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hagel:Howl Culus Ayaa Hortaala Ciidamadeena


Wasiirka Difaaca ee Mareykanka ee xukunka ka sii degaya Chuck Hagel ayaa u sheegay ciidamada Mareykanka ee weli ku suggan dalka Afghanistan inay la kulmayaan caqabado, inkastoo howlgalkoodu uu iska bedeli doono midka ay kula dagaalamayeen Taliban oo uu noqonayo howlgal tababar ay ku siinayaan ciidamada dowladda Afghanistan.

Hageo, oo dhawaan iscasilay, ayaa markiisii ugu danbeysay safar ku soo maray Afghanistan Axaddii shalay, isagoo ciidamada Mareykanka ugu sheegay saldhig ay ku leeyihiin meel ku dhow Magaalada Jalalabad ee Bariga dalkaasi, in howsh hortaala aysan dhamaan.

Waxa uu sheegay in Mareykanku uusan dooneyn inuu arko hormarkii la gaaray sadex iyo tobankii sano oo ay ciidamadamada Mareykanka joogeen dalka Afghanistan oo dib u noqonaya.

Mareykanka ayaa ku duulay Afganistan bishii October sanadkii 2001dii si uu xukunka uga tuuro taliskii Taliban ee gabaadka siiyay dagaalyahanadii al-qacida ee masuulka ka ahaa weeraradii argagixiso ee Mareykanka lagu soo qaaday bil ka hor inta aysan ciidamadu dalkaasi galin.

XS
SM
MD
LG