Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICC: Caddeymaha Kenyatta Weli Wan Uruurineynaa


Dacwad Oogaha Guud ee Maxkamadda ICC ayaa sheegtay inay sii wadi doonto uruurinta caddeymo ka dhan ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, walow maxkamaddu ay tuurtey dacwadihii loo haystey.

Maalintii Jimcaha ayaa Fatou Bensouda waxay si rasmi ah ugu dhawaaqdey in la laaley dembiyadii loo haystey Mr Kenyatta, oo lagu eedeynayo inuu wax ka maleegey rabashadihii ay dadka ku dhinteen ee doorashada kadib ka dhacay Kenya sannadkii 2008.

Bensouda ayaa VOA u sheegtay in hanjabaado ka dhan ah dadka marqaatiga ah iyo iskaashi la’aan ka timid dhanka dowladda Kenya ay sababeen inay wiiqantoo dacwadii maxkamadda ay waddey

XS
SM
MD
LG