Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo Gantaal Nuclearka Qaada Tijaabiyey


Dalka Ruushka ayaa toddobaadkan tijaabiyey gantaal gaaraya ilaa 8 kun oo km, isla markaana xambaari kara 10 madaxyada dagaalka ah. Dhinaca kale, dalka Ruushka ayaa toddobaadkii cabasho ka muujiyey in dalalka Maraykanka iyo Sucuudi Careebiya ay qiimihii saliidda hoos u dhigeen, arrintaas oo dhaawacday dhaqaalihii dalka Ruushka oo ku tiirsan dhoofinta saliidda.

Haddaba gantaalkan cusub ee Ruushku ganay iyo cunaqabateynadan la saarayo, bilow ma u yihiin dagaalkii qaboobaa oo dib u soo noolaaada.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa arrimahaas ka wareystay Prof. Ahmed Ismail Samatar oo bare ka ah Jaamacadda Macalester ee gobolka Minnesota. Prof. Samatar waxa uu marka hore ka hadlayaa sida cunaqabateynta reer Galbeedku ay dhaawici karto dhaqaalah Ruushka.

Dhageyso wareysiga Prof. Samatar
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:34 0:00

XS
SM
MD
LG