Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mubaarak oo Dambi Lagu Waayay


Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak, ayaa maxkamadd ku taalla dalkaasi ay xukuntay inaanu wax dambiya ku lahayn dilka dibadbaxyaashi ku geeriyooday kacdoonkii xukunka looga tuuray ee 2011.

Garsooraha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in dhammaan dacawdihii arrintaas la xiiriiray ee loo haystay Xusni Mubaarak la laalay.

Gudaha maxkamadda oo ay dadku soo buux dhaafiyeen ayaa sacab badan laga maqlayay markii garsooraha maxkamaddu uu xukunka ku dhawaaqay.

Waxa kale oo la arkayay wiilasha uu dhalay Mubaraak iyo qareenadii difaacayay oo hambalyaynaya isla markaana madaxa ka dhunkaday Mubaarak oo gooobta ku sugnaa.

Xaakinka maxkamadda ayaa ka codsaday saxafiyiinta inaanay wax faallo ah ka bixin xukunka maxkamadda ilaa ay soo wada akhriyaan waraaqaha iyo xogta lagu saleeyay xukunkan oo ka kooban 1,430 bog.

Sidoo kale waxaa dambi lagu waayay Wasiirkii arrimaha gudaha ee xiligii Mubaarak Xabiib Al Caadli iyo lix saraakiisha sare ee amaanka oo iyagana lagu eedaynayay inay ku lug lahaayeen amarka dilka dibad-baxayaashii geeriyooday intii kacdoonku socday.

Sidoo kale waxaa dambi lagu waayay labada wiil ee uu dhalay Mubaarak ee Calaa Mubaarak iyo Jamaal Mubaarak.

Xusni Mubaark ayaa imika ahaan waxaa u hamaatay saddex sano oo xabsii ah oo ay hore ugu xukuntay maxkamaddau taasi oo ahayd dacwad kale oo tan ka duwan.

Hore ayaa mubaarak loogu xukumay xabsi –daa’in sanadkii 2012 laakin qareenadiisa ayaa rafcaan qaatay waxaana dib loo bilaabay dhegaysiga dacwaddaasi.

Dacwadoogayaasha iyo xeer ilaalinta Masar ayaa fursad u haysta in xukunkan ayy racfaan ka qaataan lana hortagaan maxkamadda sare oo ah halka ugu dambaysa ee dacawd lala tagi karo iyada oo xukunka maxkamadda sare uu noqon doono mid aan racfaan laga qaadan Karin oo ka ma dambays ah.

Mubaarak 86 jirah ayaa xabsigiisa ku qaatay isbitaal ay milatarigu leeyihiin maadaamada xaaladdiisa caafimaad aanay wanaagsanayn.

XS
SM
MD
LG