Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: Waa lagu kala Fog Yahay Nuclearka Iran


Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maryakanka John Kerry ayaa sheegay, sida uu hadalka u dhigay, in uu jiro kala fogaansho weyn oo u dhexeeya dalka Iran iyo quwadaha dunidda, iyada oo uu soo dhawaanayo xiligii loo ballansanaa in heshiis laga gaaro barnaamijka Nuclearka ee dalkaasi Iran.

Kerry ayaa hadalkan Sabtidii shalay ka sheegay magaalada Vienna, ka hor kulan uu la yeelanayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Frank-Walter Steinmeier, kaas oo sheegay in wadahaladu ay gaareen, waxa uu ku sheegay, saacaddii runta ahayd.

Steinmeier ayaa sheegay in su’aasha weyni ay tahay in Iran ay diyaar u tahay inay soo afjarto cilmibaaristeeda la xiriirta sidii ay ku heli lahayd hubka nuclearka ah.

Kerry waxa sidoo kale maalintii labaad oo xiriir ah la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Jawaad Thariif si uu iskugu dayo inuu isku soo dhaweeyo kala duwanaanshaha wadahadalada la xiriira.

Ilo ku dhow waftiga Iran ayaa hay’adda wararka ee Faransiiska ee AFP u sheegay in kala fogaanshuhu uu wali weyn yahay.

XS
SM
MD
LG