Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barnaamijka Falanqaynta Cayaaraha


Maanta waxaa si weyn loo sugayaa ciyaarta ka dhici doonta garoonka Emirates Stadium ee magaalada London waxaana iskaga hor imanaya kooxaha Manchester United iyo weliba Arsenal, ciyaartan oo ah mid aad u xiiso badan ayaa qaar ka mida taageerayaasha labadan kooxood ay faallooyin kala duwan ka bixinayaan.

Maxamuud Mascadde oo jooga Minnesota ayaa dood dhex-dhigay C.qaadir Maxamed Axmed oo taageere u ah Kooxda Manchester United kuna sugan dalka Jarmalka iyo weliba Farxaan Cali Xalane oo isna taageere u ah kooxda Arsenal oo ku sugan dalka Norway.

Yididiilo iyo rajo kala duwan ayay muujinayaan taageerayaasha labada dhinac hase ahaatee ciyaartu marka ay dhamaato ayaa natiijada rasmiga ah loo fadhiyaa.

Xaggan hoose ka dhegeyso faallada barnaamijka Cayaaraha ee VOA

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:00 0:00

XS
SM
MD
LG