Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Nigeria oo Diiday Codsiga Jonathan


Aqalka Wakiillada ee dalka Nigeria ayaa diiday codsi uu soo jeediyey Madaxweyne Goodluck Jonathan oo doonayey in la kordhiyo muddada amarka degdegga uu ka jirayo saddex gobol oo ku yaalla waqooyiga bari ee dalka, halkaas oo ciidammada dowladda ay kula dagaalamayaan maliishiyaadka Islaamiga ee Boko Haram.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa sheegay in awoodda gaarka ee dowladda la siiyey ay noqon weysey mid horseedda in lagula tacaalo ama lagu joojiyo dagaalka Boko Haram ay ka waddo gobolka. Muddada horey dowladda loogu oggolaadey awoodahaasi gaarka ah ayaa dhammaatey. Hase yeeshee madaxweynaha waxaa uu weli awood u leeyahay inuu ciidan u diro meel kasta oo dalka ka tirsan haddii loo aqoonsado in goobahaasi ay rabshado ka jiraan.

Ciidammada amniga ayaa gaaska dadka ka ilmeysiiya ku furey gudaha baarlamanka markii ay isku dhaceen laba boqol oo ka mid ah taageerayaasha Afhayeenka Baarlamanka Aminu Tambuwal, kaas oo booliska ay doonayeen inay ka celiyaan inuu soo galo gudaha dhismaha baarlamanka si uu codkiisa uga dhiibto dalabka madaxweynaha uu soo jeediyey.

Khubarrada arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in diidmada awoodaha gaarka ah aysan saameyna sidaa u weyn ku lahayn dagalka ka dhanka ah Boko Haram.

XS
SM
MD
LG