Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka K/Galbeed Somalia oo Madaxweyne Doortey


Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia Shariif Xasab Sheikh Aaden ayaa maanta loo doortey inuu noqdo madaxweynaha maamulka Koonfuur Galbeed Somalia ee ka kooban saddexda gobol.

Afar musharax oo kale oo la tartamayey Shariif Xasan ayaa doorashada isaga harey una tanaasuley madaxweynaha cusub.

Doorashadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dowladda Somalia ay horey u soo saartey amar lagu joojinayo shirkaasi maamul u sameynta ee Baydhabo ka socday.

Maanta Guddoomiyaha Baarlamanka Mohamed Osman Jawaari ayaa sheegay in doorashadaasi ay ka hor imaaneyso dastuurka, isla markaana aaney dowladdu aqoonsan doonin natiijo kasta oo shirkaasi ka soo baxda.

Shariif Xasan Sheikh Aadan oo isla maanta goobta doorashada lagu dhaariyey ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono mideynta shacabka ku nool saddexda gobo lee uu hoggaamiyaha u yahay, kuwaas oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

XS
SM
MD
LG