Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo markale Lagu kala Tagay


Xildhibaannada baarlamaanka ee taageersan RW ayaa maanta mar kale buuq kala horyimid qeybinta mooshinka ka dhanka ah RW.

Guddoomiye Jawaari ayaa fadhigii hakiyay kana baxay aqalka baarlamaanka kaddib markii xildhibaannada mooshinka diidan ay diideen inay aamusaan, iyagoo si xiriir ah u qaadayay heeska calanka Soomaaliya.

Ma cadda tirada xildhibaannada maanta kulanka joogtay, balse warar ayaa sheegaya inay 230 ka bad-naayeen.

Xidlhibaannada diidan mooshinka ayaa fadhigii maanta soo qaatay boorar ay ku qornaayeen erayo ay ku diidan yihiin mooshinka.

Wararka ayaa sheegaya in wali aqalka baarlamaanka ay joogaan xildhibaanadu, mana cadda in guddoomiye Jawaari uu dib ugu soo noqonayo kulanka si uu mar kale u hoggaamiyo kulan, loona qeybiyo mooshinka ka dhanka ah RW.

Warbixin iyo wareysi ku saabsan buuqaasi uu maanta ku dhamaaday baarlamanka halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso:

Dhageyso: Fadhiga Baarlamaanka oo Buuq ku Dhamaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:39 0:00

XS
SM
MD
LG