Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama:Xiriirka China Heer Cusub Ayaan Gaarsiineynaa


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu doonayo in xiriirka Mareykanka iyo shiinaha uu gaarsiiyo heer cusub.

Isagoo kuguda jira booqasho laba maalmood qaadan doonto oo uu ku joogo Magaalada Beijin ayuu Madaxweyne Obama waxa uu wada hadal hor dhac ah shalay la qaatay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping,.

Labada masuul ayaa wada hadallo kale oo khaas ah yeelanaya maanta oo arbaca ah.

Mr. Obama ayaa sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha oo si dhab ah u wada shaqeeya ay faa’ido ugu jirto dunida oo dhan.

Kulamada labadan madaxweeyne ayaa ka bar bar dhacaya iyadoo magaalada Beijin uu ka socdo shir madaxeedka dhaqaalaha ee dalalka Asia ee kulaala badweynta Pacifigga, shirkaasoo madaxdu ay isla ogolaatay in la abuuro aag ganacsi xur ah oo uu shiinuhu hormuud ka yahay.

XS
SM
MD
LG