Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Gaarey


Mareykanka iyo Shiinaha ayaa horumar ka sameeyey wadahadalo lagu balaarinayo heshiiska Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), kaas oo horseedi doona in la qaado khidmadaha laga qaado badeecadaha dhanka tiknoloojiyadda sare.

Heshiiskan waxaa magaalada Beijing kaga dhawaaqey Madaxweyne Barack Obama, oo maanta kulan la leh hoggaamiyeyaasha sare ee Shiinaha kadib markii uu soo afjarmey shirka dhaqaalaha ee waddamada ku bahoobay ururka APEC.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha gaareen is-faham horseedi doona in la yeesho wadahadalo dheeri ah oo ku saabsan balaarinta heshiiska WTO ee dhanka Xogta Tiknoloojiyadda.

Wadahadalada ayaa la hakiyey bishii November sannadkii 2013, sababo la xiriira khilaafka Mareykanka iyo Shiinaha kuna saabsanaa badeecadaha lagu xusayo heshiiska.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda ganacsiga ee Mareykanka Michael Froman ayaa sheegay in horumarka ay sameeyaan labada dal awgeed la filayo bisha December inay dib u bilowdaan wadahadalo buuxa.

XS
SM
MD
LG