Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi Maraykan ah oo la Kulmay Madaxda Dowladda


Ergayga Gaarka ah ee Dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James McAnulty ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho xilli khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu meel sare gaaray.

Wafdigan Maraykanka ah ayaa garoonka diyaaradaha kula kulmay madaxda u sarraysa dawladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, iyo Af-hayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ilaa hadda ma cadda waxyaabaha looga hadllay shirkaasi, hase yeeshee wafdiagn ayaa la sheegay inay ka doonayaan madaxda dawladda in xiisadda la qaboojiyo oo ay midnimo muujiyaan.

XS
SM
MD
LG