Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Waan la Shaqeynayaa Jamhuuriyiinta


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo hogaamiyaha xisbiga Jamhuuriga oo hadda aqlabiyadda ku yeeshay Aqalka Senate-ka ayaa ballan qaaday inay wada shaqeyn doonaan si sharciyo loo ansixiyo, in kasta oo labadooduba ay qirteen in mar walba ayna heshiis wada gaari doonin.

Maalin ka dib markii Jamhuuriyiintu ay ku guuleysteen labada aqal ee Congresska oo ah markii ugu horeysay ilaa 2007dii, ayaa Mr. Obama uu Arbacadii shalay sheegay inay jiraan arrimo labada dhinac ee isdiidani ay ku heshiin karaan.

Dhinaca kale, ninka la sugayo inuu la wareego awoodda Aqalka Senateka, Mitch McConnell oo ka soo jeeda gobolka Kentucky, ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono Mr. Obama si loo saxiixo heshiisyada ganacsiga caalamiga ah iyo wali dib u habeynta hanaanka cashuurta. Waxa uu sheegay in telefon isaga iyo Mr. Obama ay ku wada hadleen ay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan meelaha ay heshiiska ku yihiin.

Haddaba falanqeyn ku saabsan khudbad uu xalay jeediyey Mr. Obama hoosta ka dhageyso.

Falanqeyn: Khudbaddii Obama
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:27 0:00

XS
SM
MD
LG