Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hablo Macalimiina oo Muqdisho lagu Toogtay


Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay toogashooyin kala gaar gaar ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdishu.

Mid ka mid ah toogashooyinka ayaa dablay wadatay dhugdhuglay ama mooto oo ku hubaysnaa bastoolado waxay toogteen laba gabdhood oo la sheegay inay macallimiin ka ahaayeen xarun dhallaanka wax lagu baro oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Toogashada labaad ayaa iyaduna ka dhacday agagaarka xaafadda Buulo-Xuubay ee Muqdishu, waxaana ku dhintay qof rayid ah, saddex kalena way ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeynlay ee magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Cumar ayaa toogashada gabdhaha macalimiinta ah uga waramay Ismaaciil Xuseen Farjar:

Waraysiga Guddoomiyaha Xagga hoose ka dhegeyso

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:49 0:00

XS
SM
MD
LG