Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxnimada Burkina Faso oo la Isku Hayo


Colonel Yacouba Isaac Zida oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha cusub ee Burkina Faso, November 1, 2014.
Colonel Yacouba Isaac Zida oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha cusub ee Burkina Faso, November 1, 2014.

Sarkaal tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha cusub ee dalkaasi.

Gaashaanle Yacquuba Isaaq Zida ayaa baahiyay warmurtiyeed laga sii daayay idaacadda laguna faafiyay internetka ayaa sheegay inuu la wareegay taladii dalka si kumeel gadh ah si loo ilaaliyo dawladnimada dalkaasi.

Madaxweyinhii dalka Burkina faso Blaise Compaore ayaa ka degay xilka ka dib markii dadweynaha dalkaasi ay banaanbax ku galeen baarlamaankii isla markaana ay dab qabadsiyeen dhismaha taasi oo soo gabagabaysay 27 sano oo uu soo hayay talada dalkaasi.

Jimcihii shalay ayaa Gaashaanle Zida waxa uu sheegay isaga oo matalaya tiro saraakiil dhexe ah inay taladii dalka la wareegeen isla markaana la laalay dastuurkii xukuumad KMG ahna la dhisayo.

Laakin isla Jimcihii shalay ayaa Janaraal Traore uu isagauna sheegay inuu la wareegay awooddii madxaweynaha.

Ma cadda in janaraal taraore uu aqbalay dhawaaqa Kornayl Zida iyo inkale.

XS
SM
MD
LG