Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty oo Warbixin ka soo Saartay Ethiopia


Hay’adda Amnesty International ayaa soo saartay warbixin cusub oo ay ku sheegtay in xukuumadda Ethiopia ay si xeeladaysan u cadaadinayso, qowmiyadda Oromada oo ah qowmiyadda ugu balaaran dalka Ethiopia.

Amnesty International ayaa sheegtay in dadka Oromada ah ee ku nool Ethiopia la iska xidho isla markaana aan fursad loo siin inay helaan qareen u dooda, waxa kale oo ay ha’yaddu sheegtay in dadka Oromada ah si badheedh ah qudha looga jaro si mucaaradka loo baabiyo.

Claire Beston oo ah cilmi bare ka tirsan hay’adda Amnesty una qaabilsan Ethiopia ayaa sheegtay in Dawladda Ethiopia ay xasaasyad ka qabto mucaraad noocu doonoba ha ahaadee, laakiin waxaa ugu sii daran dadka Oromada ah oo ay dawladdu ka cabsi qabto sababo badan awgood.

Maamul goboleedka Oromia ayaa ah kan ugu weyn Ethiopia, halka ku dhawaad boqolkiiba 35 dadka wadankaasina ay yihiin qowmiyadda Oromo.

Ardayda Oromoada ayaa bishii April iyo May mudaaharad kala hortagay qorshaha dib u habaynta magaalada Addis Abeba, iyaga oo sheegay in talaabadaasi ay wiiqayso dhaqanka iyo hiddaha dadka Oromada ah maadaama oo dhulka ku xeeran caasimda oo ay Oromodu leedahay la raacinayo maamulka caasimadda addis ababa.

Banaanbaxa oo ka mid ah kuwa tirada yar ee dalkaasi ka dhaca ayaa dhaliyay rabshado, waxaana ku dhintay tobaneeyo qof boqlalaal kalena waa la xidhxidhay, sidoo kale banaanbaxyo nabadeed oo ay dhigeen dadka muslimiinta ah ee Oromada ah sannadihii 2012 iyo 2014 ayaa awood lagu muquuniyay dad bandanna waa la xidhxidhay.

Beston ayaa sheegtay in ardayda oromada iyo banaanbaxayaashu aanay ahayn cidda kaliya ee Ethiopia halista ugu sugan.

Hay’adda Amnesty International ayaa laga mamnuucay dalka Ethiopia tan iyo sanadkii 2011 waxaana cilmi baarayaasha hay’addu ay warbixintan ku saleeyeen boqolaal waraysi oo ay la yeesheen qaxootiga oromada ah ee dalka debediisa ku nool; iyaga oo telefoono iyo emailo kula xidhiidha oromada joogta gudaha Ethiopia, qaar badan oo dadkii wax la weydiiyay ahaa ayaa sheegay in lagu xidhay saldhigyada booliska , iyo xeryaha milateriga iyo goobo aan rasmi ahayn oo dadka lagu hayo, halkaasi oo si joogta ah loogu jidh dilay.

Amnesty ayaa sheegtay in ugu yaraan 5 kun oo qof oo Oromo ah la xidhay tan iyo sannadkii 2011, qaarkood dadkaasi todobaadyo ayaa xabsiga lagu hayay qaarna bilo ayay xidhnaayeen iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Warbixintan ayaa sheegtay in sida badan lagu eedeeyo inay taageeraan ama ay xubno ka yihiin jabhadda hubaysan ee xoraynta Oromada ee OLF, jabhaddaas ayaa afartan sano u dagaalamaysa aayo ka talinta qowmiyadda Oromada, warbxinta ayaa sheegtay in xadhiganu uu yahay marmarsiyo lagu doonayo in lagu aamusiiyo mucaaradka.

Dawaladda Ethiopia ayaa jawaab ay soo marisay xafiiska garsoorka ee Oromia oo ay isla dawladdu maamusho waxay ku sheegtay warbixinta Amnesty inay tahay mid been ah oo aad xaqiiqada uga fog, waxaanay dawladda Ethiopia sheegtay inaanay jirin wax caddaynaya waxyaabaha lagu qoray warbixinta Amnesty.

Calire Besto ayaa ugu dambayntii sheegtay in cadaadiska ka jira dalka oo dhan gaar ahaan oromada laga yaabo inuu sii kordho iyada oo ay soo dhawdahay doorashada lagu talo jiro in la qabto bisha May ee sanadka 2015.

XS
SM
MD
LG